Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir ballaaran oo lagaga tashanayo dhibtii iyo khasaarihii ka dhashay degaalladii shalay ka dhacay Goojacade isugu yeeray madaxda iyo haldoorka Somaliland.
Shirka uu madaxda Somaliland ugu sarraysa madaxweynuhu la qaatay waxa ku wehelinayey guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), murrashaxa xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii shacabka reer Somaliland ugu midoobi lahaayeen wax kasta oo qarankooda kusoo kordha, wada-jirna qarankooda ugu difaaci lahaayeen.
Kulankaasi markii uu soo dhammaaday, waxa bulshada si wada jir ah ula hadlay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo murrashaxa xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana ay bulshada ugu baaqeen wada-jir iyo inay garab istaagaan ciidamada qaranka ee cadowga soo weeraray.
Leave a Reply