Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay weerarkii ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswaye ee gobolka Galgaduud kaas oo ku dileen Ciidamo badan gadiid badana ku furteen.
War qoraala oo uu so qoray Sheekh Shariif ayaa sidaan u qornaa.
“Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.
Leave a Reply