Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sababta ay ciidamadeedu uga baxeen degmada Ceelbuur oo ay ciidankeedu ka qabsadeen Al Shabab Jimcihii.
Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud, oo ku sugan jiidaha dagaalka ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa BBC u sheegay in ka bixitaankii ciidamada Dawladda ee degmada Ceelbuur uu ahaa xeelad dagaal, isla markaana uu hadda socdo dib u qaabaynta hawlgalka la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay maamulaan ee ku yaala Galmudug.
Wasiirka oo waraysi siiyay isagoo ku sugan degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu yahay xaalka aagagga ay labada ciidan isku horfadhiyaan iyo suurtagalnimada in dib loogu laabto degmada Ceelbuur.
Leave a Reply