Ra’iisalwasaare ku xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku baaqay in lala shaqayno ciidamada iyo Madaxda dalka ee ku howlan ciribtirka kooxaha nabad-diidka khawaarijta ee weli ku sugan qeybo yar oo dalka ah.
“Khawaarijtu waa dhibaato hortaagan shacabka,waxaana loo baahan yahay in cududda la isugu geeyo ciribtirka haraaga kooxaha argagixisada”ayuu yiri R/wasaare ku xigeenkii hore
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku taliyay in aan dhibco siyaasadeed laga raadin arrimaha amniga,isagoo intaa raaciyay in la joogo maalintii loo midoobi lahaa dhameystirka kooxahaasi iyo ciribtirka argagixisada.
R/wasaare ku xigeenkii hore waxa uu soo jeediyay in shacabka ay isbarbar taagaan ciidanka iyo madaxda dalka,isla markaana si wadajir ah loo wajaho dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta.
Ugu dambeyntii R/wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed ,waxa uu boogaadiyay ciidamada iyo madaxda dalka oo ka dhabeeyay in lala dagaalamo kooxaha nabad-diidka,isla markaana laga sifeeyo gudaha dalka Soomaaliya.
Leave a Reply