Bulshada Caabudwaaq ayaa deeq dhaqaale oo gaaraysa $ 62,000 ugu deeqay Maamulka SSC

laascaanood

Gudoomiyaha Gudiga dhaqaale uruurinta SSC Marwo Aamina Yuusuf Guhaad oo kamid ah haweenka laf dhabarka u ah halganka xoraynta Deegaanadda SSC ayaa lacag ay wakiil uga yihiin haweenka bulshadda Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ku wareejiyey sheekh Aadan weli oo kamida Baarlamaanka Ssc Khaatumo.

Deeqdan oo ay ugu tala galeen Bulshada Caabudwaaq in lagu bilaabo dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa waxaa Laascaanood soo gaadhsiiyey guddiga hablaha Caabudwaaq oo dhowr jeer u yimid Laascaanood is garab taag dadka SSC xilli dagaal adag ay kula jireen Somaliland iyagoo deeqo kala duwan soo gaadhsiiyey Laascaanood .

Reer Caabudwaaq af iyo maalba waxay ku garab istaageen walaaladood reer Laascaanood , Waxaa sidoo kale si wayn uga mahad naqay hablaha SSC-Khaatumo ee Laascaanood ku sugan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.