Ku-simaha Raโiisul Wasaraha ahna Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas oo wax wayn ka tari doona ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee Xarunta Qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah, waxana qayb ka noqoneysa Hayโadda Maareynta Musiibooyinka ee (SODMA).
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka xiligaan dagaalka adag lagula jiro Khawaarijta, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda.
Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Khawaariijtu caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumadda DanQaran dhinac waddo dagaalka khawaariijta barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey khawaarijta iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.
Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hayโadda SODMA iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku cirib-tirayaan khawaarijta, isla markaana la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada la xoreeyay, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.
Leave a Reply