Daawo:Laftagareen oo Nairobi kulan kula qaatay Safiiro

laftagareen

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Narobia ee Caasimada Dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Sweden ufadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Joachim ayaa kulankooda kaga wada hadlay Xoojinta Wada shaqaynta Safaarada Sweden iyo Dowladda Koonfur Galbeed, Taageerida Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Xoojinta Mashaariicda Hormarineed ee Dowladda Sweden ka taageereyso Dowladda Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa Madaxweybe Cabdicasiis Laftagareen ku wehlinayeen Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed iyo Agaasimiyaal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.