Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo howlo Caafimaad ugu maqnaa caasimada dalka iyo Kenya ayaa kusoo laabtay caasimadda Dhuusamarreeb ayaa booqday gurigii uu ka baxay Mujaahid Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa halyeey geesi ah oo kahor tagay naftii hallige doonayay inuu isku qarxiyo Madaxweynaha iyo wafdi la socday deegaanka laasgacaneey.
Madaxweynaha ayaa labada waalid ee dhalay mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa.
Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Nuur Gacal.
Leave a Reply