Sawiro:Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ku qaabilay qaar kamid ah siyaasiyiinta Koonfur-galbeed

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BFS iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Koonfur-gabeed.

Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed oo Dhuusamareeb u yimid garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay inay qaataan doorkooda dagaalka ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka kooxda cadowga ah ee khawarijta sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa Khawaarijta, isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.