Gudoomiyihii Gobolka Banaadir oo Safar ku Yimid Dhuusamareeb

jimcaale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug halkaas ay si balaaran ugu soo dhaweeyeen Madaxda iyo shacabka reee Galmudug.

Guddoomiye Madaale ayaa Magaalada Dhuusa Mareeb kulan kula qaadan doono Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamud kaas oo la xariira dardargalinta howlgalada silsilada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo sida uu maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka reer Muqdisho ay garab taagan yihiin geesiyaasha CXD iyo kuwa xaqa u dirirka ah ee u taagan sidii dalkan looga sifeen lahaa kooxda arxanka daran ee Argagixisada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.