Xildhibaan Mareeyey Dowlada Soomaaliya ayaa Somaliland Degmo Degmo u kala furaysa

maareeyegedotimes

Xildhibaan Axmed Xayir maareeye oo kamida Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay imaatinka Magaalada Muqdisho Hogaamiyaha SSC Cabduqaadir Firdhiye.

War qoraala oo uu Xildhibaan Maareeyey bartiisa Facebook soo dhigay ayaa sidaan u qornaa.

“Waxaan fiirsaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha Degmada Laascaanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma arag Gudoomiye Degmo oo ka taageerayaal badan, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxxan oo sawaxan iyo xamaasad ahi.

Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhameeyo wadahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Somaliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawladda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka.

Sayidkii wuxuu yidhi “Caamir waa saleelee annaa haatan caymadiye” waar haday sidaas tahay oo hadaan Degmo Somaliland ka soo goosto sidan lay soo dhoweynayo oo 10 Baabuur oo Bulletproof ah iyo Guri 100 askari waardiyeynayso Madaxtooyada layga siinayo, anniga laftayda madaxda Dawladdu wax hay fahamsiiyeen, waan ka tegayaa Xildhibaanka oo waxaan Somaliland ka xoreysanayaa Degmadayda Caynabo ee isla Gobolka Sool oo degaan ahaan ka weyn Degmada Laascaanood, kana kheyraad badan, ka dibna Xamar baan ka soo degayaa ee halay aqoonsado oo Protocol-kan oo kale halaygu soo dhoweeya.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.