Daawo:Hoggaamiyaha SSC ayaa booqasho ku tagay xarunta hay’adda maareynta Soomaaliya

firdhiye

Hoggaamiyaha Maamulka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa booqasho ku tagay xarunta hay’adda maareynta musiibooyinka oo ay kusoo dhaweeyeen madaxda hay’adda.

Hoggaamiyaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Fulinta maamulkaas iyo Ergeyga gaarka ee gargaarka u qaabilisan hoggaamiyaha ayaa kulan la qaatay Madaxda SoDMA iyagoo kaga mahadceliyay hoggaanka Hay’adda gargaarkii ay gaarsiisay dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool ee maamulkaas iyo dhawaacyadii ay ka soo qaadday.

intaa ka dib Hoggaamiyaha Firdhiye ayaa ka warbixiyay baahiyaha gargaar ee ka taagan degannada SSC, isagoo ka codsaday in hay’adda SODMA sii waddo hawlaha gargaar oo wali baahi badan ay u qabaan shacabka halkaa ku nool.

Sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Tiknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta Jaamac Xasan Khaliif oo dhankiisa ku ammaanay Hay’adda Maaraynta sida ay ugu gurmatay shacabka gobolka Sool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.