Daawo:Qoorqoor iyo Wasiir Tiktok oo Guriceel ku Booqday Ciidamo ku wajahan Furimaha Dagaalka

qoorqoor

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee uu-duhaana oo ka soo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen kuwaas oo hadda u diyaarsan iney ku biiraan howlgalka ka dhanka khawaarijta ee ka socda dalka.

Ciidankaan oo lagu kulmiyey xerada Harqaboobe ayay madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka ka dhanka khawaarijta, kuna daysadaan geesiyaasha maalmihii la soo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah u dhigay khawaarijta .

Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ciidankan ku sifeeyey kuwo laga sugayo inay khawaarijta kala soo baxaan godadka ay naf sida lacaarigga kula dhuunteen  khawaarijta, ayna diyaar u yihiin inay ka sifeeyaan dalka oo dhan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug axmed Cabdi Kaariye oo ugu dambeyn khudbad dhiirigelin, dardaaran iyo tusaaleynba leh u jeediyey ciidankan ayaa sheegay in balantu tahay inay socodka dambe isku arkaan goobo guulo laga keenay oo hor leh oo laga baacaaday kooxda cadowga ah ee khawaarijta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.