Sawiro:Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo guddoomiyey shirka Soomaaliya iyo Yurub

wasiir

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyey shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, taas oo diiradda lagu saarey horumarrada laga sameeyey arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda federaalka ah iyo masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, ayaa lagu soo bandhigay arrimo ay kamid yihiin siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo xasilinta; kobaca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya ka miro-dhalinta arrimaha horutabinta leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.