Madaxweynaha Hirshabeelle oo Ka hadlay Guulo Ciidamada Xooga iyo Kuwa Deegaanku Gaareen

guudlaawe

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shir-guddoomiyay Kulanka toddobaad-laha ee Golaha Wasiirada.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Aafooyinka ka dhalankara Fatahaadaha iyo duufaannada elnino, Maamul u sameynta deegaanada la xoreeyay iyo dardargelinta dhismaha goleyaasha deegaanka, Caqabadaha ku xeeran dhaqangelinta iyo la socodka deeqaha duufaannada iyo fatahaadaha elnino.

Madaxweynaha ayaa Golihiisa Wasiirada uga warbixiyay kaalintiisa kaga aadan hogaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta alshabaab, isagoo xusay in socdaal qaatay mudo ku dhow labo-bilood uu ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka si loo dhiirigeliyo ciidankeenna geesiyaasha ah iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan deegaanada Nuur-dugle, Cadaanlaxeey, Cadcadeey, Daaru-nicma, iyo Ceel Cali Axmed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay booqasho iyo kormeer ku tagay Degmooyinka Aadan-yabaal, Alkowsar, Cali Gaduud iyo deegaanada Guulane iyo Maxaa saciid oo bulshada magaalooyinkaas uu kala hadlay ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta isagoo xusay inay kasoo jawaabeen baaqii la dagaalanka khawaarijta oo ay soo diyaariyeen ciidamo badan oo ka qeyb noqonayo xoogga dib u xoreynta deegaanka dhowaana ay xoreyn doonaan deegaanada aan wali xoroobin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.