Daawo:Madaxwayne Xasan Sheekh oo Masaajidka Gudihiisa Fariin Kasoo Diray

Xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcaha kula Oogay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-shabaab, amniga iyo kaalinta shacabka Soomaaliyeed ay ka qaateen howllgaladda ka socda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn waxaa uu dhibaatada iyo xaaladda adag ee ay ku suganyihiin dadka reer Falastiin la qeybsaday Shacabka maatada ee ay waxyeelada ka soo gaartay duqeymaha Isra’iil ay ka waddo Qasa.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay howlgallada socda ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dhulka Miyiga ah ugu mahadnaqay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan howlgallada ay Ciidamada Qalabka Sida ku baacsanayaan khawaarijta howdka ku dhuumaaleysanaaya.

“Kalluunku wuxuu ku noolaanyahay biyaha, haddii barkadda biyaha ee uu kaluunku ku noolyahay laga daadiyo biyaha kaluunka kuma noolaan karo,Argagixisada iyo Khawaarijta biyaha ay ku dhaxnoolyihiin waa shacabka maantana Allah mahaddii shacabkii waa ay arkeen in nimankaan aheen kuwo ay sii xambaarsanaan karaan wayna diideen waxay ku soo jireen 16-kii sano ee la soo dhaafay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.