Daawo:Dhismo Cusub oo lagu soo kordhiyey Jaamacada Ummada faraca GaLmudug oo Xariga laga Jaray

ugaas

Xaflad xaria looga jarayey dhise Fasalo cusub oo bulshada deegaanku ay si isku-tashi iyo Isxilqaan ah ay ugu kordhiyeen Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Faraca Galmudug ee Degmada Caabudwaaq.

Agaasimaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraca Galmudug Maxamuud Maxamed Cali Dirir Mohamud Dirir ayaa aad uga mahaceshay juhdiga iyo dadaalka lala garab istaagay Maamulka JUS.

Ugaas Maxamed Ugaas Keyse, Gudoomiyaha Deg. Caabudwaaq, Muxyadiin aadan-wali, Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, Mdn.Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiwayel) iyo Dhammaan ka soo gayb galayaashii Xaflada Xarig ka jarka dhismahaan qurxoon ayaa u mahadceshay Qofkasta oo ku taageeray Mashruucaan Maal, maskax iyo Muruqba, waxayna ka codsadeen Bulshada in Fasalada qaybta dhimman ee la balan-qaaday la soo dhamaystiro, maadaama kororka Ardayda uu aad u soo badanayo, loona baahanyahay horumarinta Kaabayaasha iyo Agabkuba inay ku garab socdaan.

Dhismaha cusub oo luugu talo galay Ardayda bilaabaya Waxbarashada Sanad Tacliimeedka 2023-2024 , ayaa qaada ku dhawaad 400 oo Arday, kuwaas oo isla maanta ku bilaabay waxbarashadoodii dhismahaan cusub ee loo daahfurey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.