Sawiro:Yusuf Dabageed oo Beledwayne Kula Kulmay Wafti kasocda UN iyo Hay’ada Masiibooyinka

yuusufdabageed

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne, waxaana socdaalkaan ku wehliyey, ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay ahna isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada George Conway.

Mas’uuliyiin uu horkacaayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufuroow ayaa garoonka diyaradaha Ugaas Khaliif ku so dhaweeyey wafdigaan, waxaana intaas kadib kulan la qateen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, iyadoo looga warbixiyey xaalada Baladweyne, cabsida ay ka qabaan fatahaado iyo dhibatadii ka dhalatay qaraxyadii Baladweyne khawaarijta ka gaysatay iyo xaaladaha ay wajahayaan barakacyaasha ku nool Baladweyne.

Ujeedka wafdigaan ayaa ah indha-indheenta iyo ukuurgalida xaladaha bini’aadanimo ee gobolka ka jira, u Diyaar garowga digniinaha xalaada El-Niño taas oo wata Fatahaado iyo daadad culus, waxaana intaas kadib wafdigaan kormeereen kaamamka barakacyaasha ee ku yaal gudaha magaalada, waxaana mid mid ula kulmeen qoysaska ku nool iyagoo ka xogwareestay xaladooda.

Sidoo kale wafdigaan ayaa waxa ay booqdeen goobaha biyo mareenada ah, iyo goobaha uu ka jilicsanyahay wabbiga markastana ka fataho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.