
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka howlaha guud iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa dhagax-dhigay waddada laamiga ah ee Via Moscow oo isku xirta Buundooyinka Degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab iyo Guddoomiyaha degmada Waaberi.
Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay shacabka degmooyinkaasi in ay ka qeyb qaataan bilicda, dadaafadda iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horreyso waddooyinka dib loo dhisaayo.






Leave a Reply