Sawiro:Guddoomiye Aadan Madoobe oo gaaray magaaladda Xudur ee Xarunta gobolka Bakool

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi wasiiro iyo xildhibaano uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow soo gaaray magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ku soo dhoweeyay wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta qeyb ka ahaa maamulka gobolka Bokool iyo kan degamadda. Safarka Guddoomiyaha ayaa ujeedkiisu yahay sidii Koonfur Galbeed loogu bilaabi lahaa dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxda nabad diidka ah ee Khawaariijta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.