Farmaajo oo Barlamaanka Soomaliya Uga Digay inuu Dalka Burburo

Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa digniin u diray baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la filayo in loo gudbiyo heshiiskii ay horey u wada gaareen Madasha Wada tashiga Qaranka.

Heshiiskaas oo u gogol xaaraya in la hirgeliyo Soomaaliya hanaan doorasho oo mideysan oo qof iyo cod ah ayaa wax ka bedelaya hab-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya, iyada oo laga guurayo hanaanka baarlamaaniga ah.

Waxaa sidoo kale la baabi’in doonaa xafiiska raysal wasaaraha iyada oo la abuurayo xafiiska madaxweyne xigeen. Waxa uu sidoo kale heshiiskaas oo muddo kordhin u sameeyay dowlad-goboleedyada ayaa dhigaya inay Soomaaliya ay yeelan doonto labo xisbi qaran oo Keliya.

War uu soosaaray madaxweyne hore Farmaajo ayaa sheegay in wax-ka-bedelka hab-dhiska dowladda iyo dastuurta inay keeni karto in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan haddii aan loo marin wadada saxda ah.

“Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Farmaajo.Maxamed FarmaajoMadaxweyne hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.