Boliiska Soomaaliya oo Shaaciyey Qasaarihii Ka dhashay Qaraxii ka dhacay Ceelasha Biyaha

Boliis

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay qarax saakay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in ciidamadda ammaanku ay ka fashiliyeen dhagar xooggan oo kooxda naf la caariga ah ee khawaarijtu ay dooneysay inay ku dhibaaateyso shacabka magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxii saaka ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ay ku geeriyoodeen 6 ruux oo 4 kamid ah ay yihiin Ciidamada geesiyada ee fashiliyay qaraxaan iyo labo ruux oo shacab ah sidoo kalena qaraxa ayaa geystay khasaare hantiyeed.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in qaraxaani uu noqonayo kii 5-aad  ee ciidamada amnigu ay ka hor istaageen in gudaha loo galiyo Caasimadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.