Abiye Axmed oo Mar kale soo hadal qaaday damaca uu dalkiisa ku doonayo in uu bad helo

abiyahmed

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in aanu dalna ku duuli doonin, isaga oo ka hadlayay hadal uu ujeedkiisu ahaa in lagu damiyo walaaca ay ka qabaan waddamada deriska ah ee ah in uu awood u adeegsado sidii uu u heli lahaa deked badeed.

Abiy ayaa u sheegay warbaahinta dowladda 13-kii Octobar in Itoobiya ay caddeyso waxa uu ugu yeeray xaqa ay u leedahay in dalka aan badda lahayn ay ku galaan badda cas intii suurtagal ah iyadoo loo marayo hab nabadeed.

“Itoobiya waligeed dal kuma soo duulin, hadda Itoobiya ma rabto inay dalna ku duusho,” Abiy ayaa u sheegay kumannaan askar ah oo isugu soo baxay caasimadda Addis Ababa si ay ugu dabaaldegaan ciidanka qaranka maanta oo Khamiis ah.

Abiy waxa uu sheegay in Itoobiya aysan danaheeda ku fulin doonin “xoog”, wuxuuna sheegay “in aysan xabad u adeegsan doonin walaalaheed”.

Xigasho BBC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.