Madaxwayne Xasan oo Dood Cilmiyeed Caalami ah ugu qayb galay dalka Belgium

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium uuna kaga qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya ayaa Khudbad ka jeediyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa waxa uu kaga hadlay hindisaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka degdegga ah ee Midowga Yurub in loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi.

“Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab. Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinnay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib annaga oo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta,” sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Carruurta Soomaaliyeed ay hadda heleen fursad cusub, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.