Xildhibaan Marwo bashiir oo Guuldaraysatay kadib markii Madaxii Dowlada Dhabar jabiyeen

marwobashiir

Marwo bashiir oo ahayd xildhibaanadii Soomaaliyeed ee u tartamaysay madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka ayaa ku guuldareystay booskaas, kadib doorasho ka dhacday waddanka Angola oo ay kula tartamaysay musharrixiin kale oo haween ah.

Balse maanta waxaa sii xoogaysanaya dareen celinta ka dhalatay warqad la sheegay inay ka soo baxday xafiiska Gudoomiayaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu sheegay in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartanka Kursiga Madaxweynaha Barlamaaanka Aduunka.

Xildhibaanad Marwo Cabdi Bashiir oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in warqadu ahayd mid iyada xitaa lagu been fariimay maadama lagu qoray inay iyadu isaga hartay tartanka.

Waxay intaa ku dartay markii ay aragtay warqada inay xiriir la samaysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, balse uusan u sheegin wax sababa.

“Waxba waa isku fahmi waynay gudoomiyaha, wax cadna iima sheegin intaas ka dibna lama xiriirin isna ilama soo xiriiirin” ayey BBC u sheegtay Marwo.

Waxaa kaloo baraha bulshada ku baahay warar ku saabsan in soomaaliya ay doonayso kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay iyo ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, sidaasna ay ku badalatay inaan loo tartamin kurisga Madaxwynaha Baarlamaanka Adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.