Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay wehelinayaan Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiirka Qorshaynta iyo Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay halkaas oo ay si heer sare leh ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka Degmada.
Safarka Madaxweyne Laftagareen ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta iyo wax ka qabashada Baahiyaha ka jira Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Leave a Reply