Aadan Madoobe oo Musuq Maasuqay Kursigii Marwo Bashiir ayaa dalka kusoo Laabtay

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo uu ku gaaray dalka Mareykanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magalada Washington ee Caasimadda dalka Mareykanka waxa ay kulan la qaateen mas’uuliyiinta Golaha Wakiilada dalka Mareykanka, iyagoona yeeshay kulamo looga hadlaayay sidii bog cusub iyo wada shaqeyn ay u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Mareykanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aadan Madoobe oo kursi ay sharaxnayd Xildhibaan Marwo Bashiir uga hiilay Xildhibaanad Tanzaaniyaan ah ayaa la filayaa inuu golaha shacabka kala kulmo Buuq iyo dhaleecayn.

1 Comment

  1. Arrinta Ku saabsan Xildhibaanad Marwo,waxaan aaminsanahay ineysan aheyn oo kaliya Fadeexo, ceeb balse ay tahay wax Ka weyn ceeb iyo Fadeexo.
    Waa Arrin Qiyaano Qaran ah ( highest treason). Waayo Arrin ay Ku lug leeyihiin Masuulin Sare,marka la qaymeeyo arrintaan oo kale waa wax Ka weyn ceeb iyo Fadeexo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.