
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta, ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo ciribtirka afkaarta qalafsan ee Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in aqoon yahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabar goynta fikradaha argagixisada.
Leave a Reply