Daawo:Sidee u aragtaa 20 Nin oo Hal Beel ah oo Maxkamada Ciidamada Xukun ku Riday!!!

sheegow

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday Sheegow iyo Maleeshiyo uu watay, iyada oo Maxkamaddu ay ku riday xukunno isugu jira; dil, mag iyo sannado xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa Sheegow Axmed Cali ku xukuntay Bixinta Diyada Sakariye Maxamed Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay 10-sano oo xabsi ciidan ah.

dhanka kale Maxkamadda ayaa Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ) taliyaha maleeshiyada Horjooge ku xukuntay dil toogasha ah, iyada oo Maxkamadda ay ku eedeysay in uu Maxkamadda ku taal Magaalada Jowhar ku dilay laba eedeysane February 13, 2023-ka.

Maxkamadda ayaa 18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah. Laba dhac gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen. Maxkamadda ayaa Deeqow maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.