Sawiro:Wasiir Khadiijo oo Shir Caalami ah Uga Qayb gashay Dalka Itoobiya

khadiijo

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda federaaalka Soomaaliya Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa xarunta midowga Africa ee dalka Ethiopia kaga qayb gashay shirkii 8-aad ee arrimaha haweenka Africa.

Shirkaan oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada haweenka Africa iyada oo shirkaas Soomaaliya ay ku matalayso Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Shirkan ayaa looga arrinsaday dar-dar gelinta iyo horumarinta arrimaha haweenka Africa, la dagaaalanka sabool-nimada iyo jahliga waxaana la isku wada raacay in dedaal xoog leh lagu bixiyo tayaynta iyo turxaan bixinta arrimaha haweenka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.