Xilka Qaadis lagu Sameeyey Wasiirad ka soo Horjeeda Bananbaxyda Falistiin lagu Tageerayo

Suala

Xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman oo ninkeeduna yahay yahuud ayaa shaqada laga eryay.

Ra’iisul wasaare boqortooyada Ingiriiska Rishi Sunak ayaa isku shaandheyn ku sameyn doona golihiisa wasiirada, taas oo xilka loiga qaaday Ms Braverman.

Dhawaan, Ms. Braverman waxay ku eedaysay booliiska London inay “ay dhinac la safteen” marka la eego sidii ay u maareeyeen dadkii taageersanaa Falastiniyiinta ee dibadbax ka dhigay London.

Wasiiraddaan ayaa dooneysay joojinta mudaharaadyada lagu taageerayay falastiiniyiinta, xillia ay wali socdaan duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysanayaan marinka Qasa

Mudaharaadkaas oo Laba maalmood ka hor, London lagu qabtay wuxuu ahaa dibadbaxii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Falastiiniyiinta.

Dhowr oo hore ayaa wasiiraddaan waxay ku baaqday in xakameeyo dadka soo galootiga ah ee dalka Ingiriiska, taas oo dad badan ku dhaliileen arrintaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.