Laftagareen oo Qaabiya Gudiga Loo Xilsaaray Fatahaadaha

laftagareen

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Wafdigiisa qayb ay ka ahaayen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Madaxda Hay’addaha ka shaqeeya Arimaha Gargaarka oo maanta Baydhabo gaaray.

Madaxweyne Laftagareen ayaa la wadaagay Masuuliyiintaan dhibaatooyinka ka dhashay Fatahaadaha ka dhacay Degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Dadaalada socda ee ugurmashada Dadka Saameynta ku yeeshay daadadka El-Niño.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Madaxda Hay’addaha ee Wafdiga ku wehlinayey ayaa sheegey in socdaalkooda ay tahay sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa Dadka Fatahaadaha saameyeen ee ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SoDMA diyaarad wada shixnad gargaar ah ay u dirtay Baydhabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.