Fatahaadyo ku Dhuftay Mahadaay iyo Madaxwayne Guudlaawe oo Booqday

guudlaawe

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo isugu jiray Wasiirro, Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa degmada kusoo dhoweeyay Maamulka Degmada, Waxgaradka, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa ugu kuurgalayay saameynta roobabka iyo fatahaadaha ku dhuftay degmada Mahadaay ee sababay in qeybo badan oo kamid ah xaafadaha degmada looga barakaco saameynta roobabka iyo fatahaadaha wabiga shabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.