Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka DF oo Maxkamadeyntiisa Muqdisho bilaabatay

koofi

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga Dacwad loo haysto Saraakiil Dowladdeed oo dalka ka maqan kuwaas oo ku Eedaysan Musuq maasuq iyo Xatooyo Xoolo dadwayne.

Eedaysanayaasha ayaa waxaa kamid ahaa Agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Maxamed Aadan Koofi kaas oo ku eedaysan lunsasho Hanti gaaraysa 4 Malyan oo dollar iyo Eedaymo kale oo Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranku ku soo eeddeeyey.

Abuukaate Zakariye Ismaaciil ayaa Maxkamada ka hor sheegay inuu Koofi yahay Gaashaanle sare oo ka Tirsan Hey’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Maxkamadda gobolka Banaadirna awood sharci uma leh in ay qaado dacwadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.