Madaxwayne Xasan oo Ergay Kale Magacaabay

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magacaabay Ergaygii Lixaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Mudane Xil.dhibaan Cumar Ibraahim Xaashi.

Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xilsaaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howlgallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda , waxa uuna Madaxweynuhu kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyaddan adag ee ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudnaanta koowaad siinaya sidii deegaannada laga xoreeyey argagixisada Alshabaab ay u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho ayaa faray Hay’adaha dowladda iyo Talisyada Ciidamada Qalabka Sida in ay si dhow waajibaadkiisa ugu gacan siiyaan Ergeyga Gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.