
Wasaarada arrimaha gudaha, federalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo ku soo gabagabeysay deegaanka Balihowd oo hoos taga degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud shir dib-u-heshiineed oo socday maalmihii la soo dhaafay.
Shirkaan dib u heshiineed oo ay garwadeen ka ahayd wasaarada arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa u dhaxeeyey Dadka walaalaha ee Halkaas wada daga, wuxuuna ahaa shir nabadeed oo daba socda shirar dib-u-heshiineed oo horay loogu qabtay Bulshada Deegaanadaas.
Leave a Reply