Daawo:Barlamaanka Puntland oo Kasoo horjeestay go’aankii Madaxwayne Deni

Jibriil

Barlamaanka Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa kasoo horjeestay Go’aankii Xalay uu ku dhawaaqay Madaxwayne Deni ee ahaa in doorashada Madaxda iyo Barlamaanka Puntland dhacdo xiligii loogu tala galay.

Baarlamaanka Puntland ayaa fadhi degdeg ah oo ay maanta yeesheen ku meelmariyey qodobadii soojeedineed ee issimada dhaqanka SSC kuwaasi oo muddo todobaaddo ah waday waanwaan iyo wada-hadallo dhexdhexaadineed oo xagga doorashada quseeyey.

Soojeedinta guddi SSc ee maanta baarlamaanka Puntland ansixiyeen ayaa dhigaysay in muddo sannad ah lagu siyaadiyo wakhtiga baaralmaanka shanaad ee hadda jira, isla iyaguna noqdaan kuwa dooranaya madaxweynaha iyo kuxigeenka marka la gaaro 8 bisha Jannaayo ee 2024.

Baaralamaanka ayaa arrinkaan si gacantaag ah ugu codeeyey, waxaana ay imaanaysaa xilli madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni uu xalay ku dhawaaqay in la aado doorashadii baarlamaanka, beelihuna ay soo xushaan xildhibaannadii baddeli lahaa kuwa haatan jooga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.