Itoobiya oo Ssomaaliya usoo diraysa Ciidamo Suga Amniga Bada

Wasiir

Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya mudane Abraham Belay ayaa si loo dardargeliyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal waxa ay saxiixeen cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU), kaasi oo hore labada dowladood u kala saxiixdeen bishii February, 2014.

Heshiiskan ayaa sii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal waxa uuna sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka labada dal gaar ahaan Bada.

Ugu dambeyn, heshiiskan waxa uu abuurayaa dhismaha Guddiyo Difaac oo wadajir ah, si ay u horumariyaan, una fududeeyaan hirgelinta Ciidamo isku dhafa oo ka hawlgala Bada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.