Sawiro:Qoorqoor oo daah-furay mashruuca dhismaha dekadda Hoyo

Qoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Ganacsato ayaa daahfuray Mashruuca dhismaha Dekedda Hobyo ee Galmudug.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa u mahadceliyay Ganacsatada Galmudug, kuwaas oo u istaagay in ay dhistaan Dekedda loogu adeego Bulshada qeybna ka noqoto Kaabayaasha dhaqaale ee Dalku yeelanayo.

Mashruuca Dekedda Hobyo, ayaa soo maray heerar kala duwan taasoo maalin uun lagu taamayay inay hirgasho

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay dhismaha Dekadda Hobyo iyo in ay ka faa’ideysan doonaan shacabka Galmudug iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.