Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kiiska shilka gaari ee sababay dhimashada muwaadin Turki ah oo ka dhacay Istabuul.
Kiiskan ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyay qabsaday warbaahinta gudaha Turkiga iyo tan caalamka, iyada oo mucaaradka dalkaas iyo xubno kale oo xilal ka haya ay ku baaqeen in lasoo qabto wiilka madaxweyne Xasan oo lagu eedeeyay in uu baxsaday.
Xaaska ninka shilka ku geeriyooday oo lagu Öznur Göçer oo la hadashay warbaahinta Cumhuriyet ee dalka Turkiga ayaa sheegtay: Waxaan ka cabanayaa qof kasta oo sababay geerida ninkayga iyo kuwa u ogolaaday in uu dalka ka baxo.”
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay wakaalada wararka Mareykanka AP ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu wiilkiisu baxsad yahay islamarkaasna ka cararay dalka Turkiga.
Waxa uu sheegay in wiilkiisa uusan ka cararin shilkii dhimashada keenay ee ka dhacay dalka Turkiga. Waxa uu xusay in uu kula taliyay wiilkiisa in uu dib ugu laabto Turkiga islamar kaas na uu hotago Maxkamadda u jartay amarka soo qabashada.
Waxa uu madaxweynuhu faahfaahiyay in wiilkiisa uusan ka soo cararin Turkiga kaddib markii uu dhacay shil uu ku dhintay muwaadin Turki ah wadada weyn ee Istanbul.
Leave a Reply