Ciidamada sida gaarka ah utababarn ee PMPF oo ay tababarka iyo saanada Milatariga ay siiso dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xalay saqdii Dhaxe la wareegay xarunta baarlamaanka Puntland, waxaana amarka bixiyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Talaabadan ayaa timid kadib markii shalay natiijo laaan uu kusoo dhamaaday wadahadalo udhaxeeyay guddiga Amniga Doorashada Pl iyo Guddoonka baarlamaanka muddo xileedkiisu dhamaaday kaas oo ahaa inay banneeyaan xarunta.
War qoraala oo uu soo saaray Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ee waqtigiisu dhamaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Madaxweyne Deni ugu baaqay in uu ciidamada ka qaado xarunta golaha Wakiilada oo uu ixtiraamo dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland, si aysan udhucin qalasaase amni darro.
Leave a Reply