Madaxwayne Farmaajo oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Wasiir Khadiijo

khadiijo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid AUN Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee XFS.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Waxaan murugada geerida la qaybsanayaa, tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Alle ha u naxariistee Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Marxuumadda oo shacabka Soomaaliyeed usoo adeegaysay muddo dheer waxay door muhiim ah ka soo qaadatay dowlad-dhiska Dalkeenna, iyada oo xubin ka ahayd inta badan Goleyaashii Dowladda ee kala danbeeyey ilaa Dowladdii lagu soo dhisay Carta. Waxaan Allaah u weydiinayaa in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

انا لله وانا اليه راجعون

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.