
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Miisaaniyadda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar oo maanta si gacan taag ah lagu ansaxiyay, taas oo dhan 67-Milyan.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa balllanqaaday sanadka 2024-ka sare u qaadista billicda caasimadda, Fulinta mashaariic waxtar u leh bulshada iyo in Magaalada Muqdisho ay hiigsato magaalooyinka dhigeeda ah ee horumaray.
Leave a Reply