
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ah, ayaa guddoomiyeyaasha guddiyada waxay soo bandhigeen warbixino ku aadan shaqada guddiyada iyo hindise sharciyeed-yada ay diyaariyeen una baahan in la horkeeno Golaha si loo marsiiyo dariiqa loogu talagalay. Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ayaa aad uga dooday ajandeyaal muhiim u ah fadhiga Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiyada Golaha Shacabka ay hayaan shaqooyin muhiim u ah qaranka, isla-markaana laga rabo in ay laba jibaaraan howlaha horyaala, isagoo faray shuruucda ay gacanta ku hayaan inay soo dhameystiraan.
Leave a Reply