Barlamaanka Lagu Muransan Yahay ee Puntland oo Gudoomiye Doortay

Puntland

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ee wali khilaafka ka jiro ayaa Maanta oo Khamiis ah doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe .

Doorashada Guddoomiyaha Golaha ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax oo uu ku jiray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Cabdirashiid Yuusuf .

Doorashada waxaa ku guuleestay Musharax Cabdirisaaq Axmed Siciid oo helay  37 cod, Cabdirashiid Yuusuf oo helay 8 Cod, halka Musharax Maxamed Faarax Maxamed Gabyow uu helay 10 Cod iyo Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo isna helay 10 cod.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland  Cabdirisaaq Axmed ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii hore ee Guddigii KMG ahaa doorashooyinka Puntland (TPEC), waxaana ninkan si weyn u taageerayay madaxweyne Deni oo qarash badan ku bixiyay..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.