Abaandulihii Guutada Ciidanka Gorgor ee lagu dilay dagaalka Gobolka Mudug ayaa Muqdisho lagu aasay

ciidan

Aas qaran ayaa loo sameeyay maydka Abaandulihii Guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) oo shalay ku dhintay dagaal ciidanka Dawladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray Koonfurta Gobolka Mudug.

Maydka oo loo soo duuliyay Muqdisho ayaa lagu aasay Isbitaal uu leeyahay Miltariga Soomaaliya, waxana aaska ka qayb galay wasiirro iyo taliyayaal ciidan.

Taliyaha Milariga Soomaaliya Sareeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin oo kamid ahaa saraakiishii ka qayb galay aaska Suulnuug ayaa sheegay in uu ahaa sarkaal qiimo badan oo ku shahiiday waxa ugu yeeray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.