
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo shalay dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah ugu sameeyay Musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland.
Leave a Reply