
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya.


Leave a Reply