Daawo:Gudoomiyaha Banaadir oo Booqday Dhaawacyadii Ciyaartoyda koonfurgalbeed ee Muqdisho Lagu Dhaawacay

jimcaale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada Dhalanyaradda iyo Cayaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Salmaan Cali, Maamulka, Macalimiinta iyo Cayaartoyda Xulka Koonfur Galbeed oo shalay dhibaato kala kulmay dhalinyaro dhagxaan ku weeraray.

Duqa Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada soo gaartay qaar ka mid ah Cayaartoyda Xulka Koonfur Galbeed, taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ka baxsan Anshaxa Cayaaraha, asigoona xusay in wixii hada ka danbeeya aan la aqbali doonin in uu dhaco fal nuucaan oo kale ah, laamaha amniga ay u diyaarsan yihiin sugida Amniga Cayaartoyda iyo muwaadiniinta ka qeybgalaya Cayaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.