Sawiro:Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Salaadiin kasoo jeedo gobolka Awdal

fiqi

-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay Salaadiin, Cuqalo, Nabaddoonno, Ugaasyo iyo odeyaal kale ka tirsan 135 iyo qaar kale oo kasoo jeedo gobolka Awdal.

Kulankan oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Senator Deeqa Xasan Xuseen, guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris C/laahi ayay odeyaasha beelaha Samaroon iyo Ciise kusoo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib go’aankii Muuse Biixi uu Itoobiya kusiiyay badda Zeylac.

Qaar ka tirsan odeyaasha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muuse Biixi oo aan sharci ku joogin uu ictiraaf ku raadinayo dhiiga umadda, qaddiyadda Awdal in ay u baahantahay difaac, ayna diyaar u yihiin dagaal iyo iska dhiciyaan cadowga, tallaabadanina loogu gol leeyahay in dhulka lagu wareejiyo.

Senator Deeqa Xasan Xuseen, guddoomiya Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka sare ayaa sheegtay ahmiyadda ay leeyihiin kulamadan oo kale, iyada oo ammaantay kaalinta odeyaasha dhaqananka ee ku aadan kahortagga damaca Itoobiya ee ku aaddan dhul boobka iyada oo soojeedisay baahida loo qabo xilligan isku xirnaanta.

Senator Bilaal Idiris C/laahi oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aanu war dhinneyn, oo la doonayo ficil iyo kahortagga damaca Itoobiya iyo difaaca dhulkan dhaxalka u ah umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxay mowqifka Dowladda Federaalka ee soo jireenka ah ee ilaalinta bedqabka midnimada dhuleed iyo dad ee Soomaaliya, isaga oo intaa raaciyay in kulankan uu qeyb ka yahah dhaqanka Wasaaradda ee ah in odeyaasha dhaqanka ee gobollada dalka lagala tashto, talo laga weydiiyo arrimaha kusoo kordha deegaankooda, si dhinac walba ay qeyb uga noqdaan go’aannada, waxaa uuna bogaadiyay sida shacbaka Awdal ay diyaar ugu yihiin difaaca qarannimada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.